
Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaraadda Caafimaadka Dowlada Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim, ayaa Hoolka wasaarada ku qaabilay wafdi ka socday hay’adaha SOLO iyo PIOUS PROJECTS.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay qaar ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, kuwaas oo door muuqda ka qaatay doodaha iyo is-weydaarsiga fikradaha la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo lana ballaariyo taageerada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka si bulshada loo gaarsiiyo adeeg tayo leh oo waara.
Gabagabadii kulanka, Wasaaradda Caafimaadka Jubaland iyo wafdiga ayaa si wadajir ah kormeer iyo qiimeyn ugu tagay Isbitaalka Guud ee Kismaayo, si ay u arkaan xaaladda adeegyada caafimaad ee jira iyo meelaha u baahan xoojinta.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







