Nin sanad kadib loo dilay ku lug lahaanshaha Qaraxii Soobe

1425

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay nin ku eedeysnaa in uu ku lug lahaa qaraxii dadka badan lagu xasuuqay ee sanad kahor maanta oo kale ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Ninka la toogtay, ayaa lagu magacaabaa Xasan Aadan Isaaq Cali, waxaana la soo qabtay isaga soo wata gaari noociisu ahaa NOAH oo ay saarnaayeen walxaha qarxa, waxaana xilligii la qabanayay uu ku sugnaa isoyska Ceel-qaaloow ee degmada Wadajir.

Xukunkan lagu riday ninkani waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka.