Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubaland oo kormeer ku tagay waddada isku xirta Kismaayo iyo Afmadow,

0
3
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubaland, Sarreeye Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane, ayaa kormeer ku tagay waddada isku xirta Kismaayo iyo Afmadow, isagoo indha-indheeyay saldhigyada ciidamada ee jiidda hore.
Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidanka ku sugan aagga, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga, heeganka iyo howgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka khawaarjita ee ay wadaan ciidamada.
Kormeerka ayaa qayb ka ah dadaallada Taliska Daraawiishta Jubaland ee lagu xoojinayo amniga, isku-duwidda ciidamada iyo sugidda nabadgelyada bulshada ku nool deegaannada ku teedsan waddada Kismaayo–Afmadow.