Dhageyso Guddoomiyaha Degmada Kismaayo oo kormeer ku tegey Waddooyinka Laamiyada ee dhismaha uu ku socdo.

70

Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahn duqa Magaalada Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa kormeeray qaar ka mid ah Waddooyinka dhismaha uu ku socoda ee Magalada Kismaayo.

Guddoomiye Farweyn oo ay waheliyaan qaar ka mid ah Maamulka degamada iyo Engineerka Gacanta ku haya dhisamaha waddooyinka ayaa sheegay in meel fiican uu marayo dhisamaha waddooyinka laamiga ah ee Magalada.

Maayarka Degmada kismaayo Cumar Cabdullaahi faraweyne ayaa sheegay in Kismaayo ay horumar weyn ku taallbasatay oo dhanka waddooyinka ah’ waxaan uu baaqa u diray dadka qashinka ku shubo wadooyinka la dhisay.Guddoomiyaha ayaa waxaa uu intaas ku daray in shacabka looga baahan yahay in ay dhowraan bilicda magaalada, isagoo ugu baaqay in Dowladda ay la shaqeeyaan, sidoo kalana dhir beeris ay ku sameeyaan xaafadaha maadaama magalada ay tartan kula jirto magaalooyinka kale.