Warbixin: Shirweynaha Guud ee Ururka Qaransoor oo ka furmay Muqdisho+Sawiro

0
372

Muqdisho: Shirweynaha guud ee urur siyaasadeedka Qaransoor ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho maanta oo Isniin ah, taariikhduna ay ku beegan tahay 12-05-2025.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen hoggaanka sare iyo xubnaha ururka, siyaasiyiin, aqoonyahano, ganacsato, dhalinyaro, haween, taageerayaal iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah ayaa lagu ansixiyay xeerka ururka Qaransoor, xubnaha hoggaanka sare, iyo guddiyada kala duwan ee ururka.

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer loo gorfeeyay qodobo muhiim u ah xaaladda dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Xaaladda amniga ee dalka, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo la dagaalanka kooxaha amni darrada abuuraya.

Dib-u-xoreynta dalka, iyadoo la xusay in ay waajib tahay garab istaagga iyo taageeridda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Arrimaha doorashooyinka, oo ay ka mid tahay sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo daah-furan, loo dhan yahay, si loo xaqiijiyo doorashooyin cadaalad ah oo dalka ka dhaca.

Shirweynahan ayaa la filayaa in uu horseedo isbeddel siyaasadeed oo hor leh, isla markaana uu xoojiyo doorka ururka Qaransoor ee siyaasadda dalka Soomaaliya.

————-**DHAMAAD**————–     

Xogahyaha Warfaafinta Qaransoor

Maxamed Nuur Axmed (Fanax)

info@qarsansoor.so