
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Jubbaland, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga xaaladaha El Niño iyo daadadka la filayo inay dhawaan ka dhacaan deegaannada Jubbaland.
Shirka waxaa goob-joog ka ahaa Maamullada Gobollada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo mas’uuliyiin ka socday deegaannada kala duwan ee Dowladda Jubbaland, iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.
Kulanka ayaa si gaar ah loogu lafaguray qorshayaasha loogu diyaar-garoobayo roobabka iyo daadadka la filayo, iyadoo diiradda lagu saaray sidii Maamullada Gobollada iyo Degmooyinku uga qayb qaadan lahaayeen dadaallada ka hortagga iyo yareynta saameynta musiibooyinka.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa khataraha ka dhalan kara roobabka iyo daadadka, iyadoo la xoojinayo diyaar-garowga hay’adaha dowladda iyo iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradaha, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in loo baahan yahay in si hore ah loogu diyaar garoobo xaaladaha ka dhalan kara roobabka iyo daadadka, si loo yareeyo saameynta ay ku yeelan karaan bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







