Wasiirka haweenka Jubbaland oo kulan la yeelatay bulshada deegaanka Cabdla Biroole

0
5
Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowlada Jubbaland Marwo Cadar Cabdullahi Ismaaciil Juraati ayaa deegaanka Cabdla Biroole kulan kula qaadatay bulshada qaybaheeda kala duwan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaanka, baahiyaha ay qabaan bulshada iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ka jira deegaanka.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga wada hadlay arrimaha la xiriira haweenka, iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, iyadoo bulshada ay wasiirka la wadaageen baahiyaha iyo duruufaha ay ku nool yihiin.
Wasiirka ayaa dhageysatay aragtiyada iyo talooyinka bulshada, iyadoo la isla eegay hababka wax looga qaban karo baahiyaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhexeysa bulshada iyo hay’adaha dowladda.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada tashiga dowladda Jubbaland iyo bulshada ku nool deegaanada kala duwan.