
Wafdi heer caalami ah oo ka socday hay’adda World Vision International iyo hay’adaha bah-wadaagta ah ayaa gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhoweeyeen maamulka degmada.
Guddoomiyaha degmada Afmadow, Cabdiraxmaan Macallin (Xaaji Maaji), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigan, waxaana halkaasi lagu yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay xaaladda adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada gargaarka iyo caafimaadka.
Intii ay wafdigu ku sugnaayeen magaalada Afmadow, waxay booqdeen xarumaha caafimaadka degmada, iyagoo u kuurgalay adeegyada caafimaad ee halkaasi ka socda iyo adeegyada cusub ee lagu soo kordhiyey.
Wafdigu waxay sidoo kale warbixinno ka dhagaysteen maamulka degmada Afmadow, gaar ahaan xaaladda guud ee bulshada iyo baahiyaha jira. Kulamada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya maamulka degmada iyo hay’adaha samafalka, gaar ahaan howlaha gargaarka, caafimaadka iyo taageerada bulshada.
Booqashada wafdigan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo maamulka degmada Afmadow, iyadoo la filayo in wada-shaqayntu ay gacan ka geysato horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







