
Duqeymo dhanka cirka ah ayaa lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa tuulada Yoraa-Lafa-gari ee Gobolka Jubbada Hoose.
Duqeymaha ayaa lala beegsaday saddex gaari oo ay saarnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in maanta, abbaare 10:00 subaxnimo, 17 ka mid ah dhaawacyadii cadowga lagu qaaday goob caafimaad oo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Alla-Magan, oo dhowr iyo toban kiiloomitir u jirta degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Sidoo kale, duqeyn afar habeen ka hor ka dhacday degmada Jilib ayaa lagu dilay Aadam Cabdullaahi Ibraahim, oo loo yaqaanay Aadam Dhegajuun, kaas oo ahaa amiirkii guud ee Maktabka Maaliyadda ee kooxda argagixisada.
Xogaha ayaa sidoo kale tilmaamaya in gaariga lala beegsaday ay saarnaayeen laba horjooge oo kale oo gacanta ku hayay malafka Jabhadda Kenya.
Aadam Dhegajuun ayaa noqonaya horjoogihii 12-aad ee ka tirsan Maktabka Maaliyadda ee Al-Shabaab ee sannadkan oo keliya lagu dilay hawlgallo kala duwan, iyadoo horjoogayaasha kooxda ay wajahayaan ugaarsi xooggan oo ka socda gobollada dalka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







