
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Dr Maxamed Bashir Nur , ayaa magaalada Kismaayo ugu so xiray tababar afar maalmood socday oo ku saabsan Xirmada Isku-dhafan ee Adeegyada Tallaalka, kaas oo loo qabtay qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka kala socda xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa kaso qeyb galay Madaxa Keydka Tallaalka Qaranka ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Yuusuf Samaan Mokhtar, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose, Cabdirisaaq Saciid Jaamuus, Madaxa Tababarrada iyo Cilmi-baarista ee Jaamacadda Jazeera, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Ibraahim. Iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Jubaland.
Intii uu socday tababarka, ka qeybgalayaasha waxaa la siiyay aqoon iyo xirfado la xiriira qorsheynta iyo maareynta adeegyada tallaalka, ilaalinta silsiladda qabow, kaydinta iyo maaraynta tallaallada, hagaajinta tayada xogta, la socodka waxqabadka adeegyada tallaalka, iyo sidii loo gaari lahaa carruurta aan helin ama ka baaqata tallaallada muhiimka ah.
Mas’uuliyiinta kala duwanoo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa ku booriyay ka qeybgalayaasha inay aqoonta iyo xirfadaha ay ka kororsadeen tababarka si wax ku ool ah ugu dabaqaan xarumaha caafimaadka ay ka shaqeeyaan, isla markaana ay xoogga saaraan kor u qaadidda tayada iyo joogtaynta adeegyada tallaalka iyo gaarista carruurta aan weli helin tallaallada muhiimka ah, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada ay adeegyada caafimaadku ku yar yihiin.
Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland iyo Jaamacadda Jazeera, ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda shaqaalaha caafimaadka iyo tayada adeegyada tallaalka, si loo kordhiyo daboolka tallaalka loogana hortago cudurrada tallaalka looga hortagi karo.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo adeegyada tallaalka iyo sidii ilmo kasta oo u qalma tallaalka loogu gaarsiin lahaa adeeg tayo leh, waqtigiisa ku habboon, meel kasta oo uu ku nool yahay.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







