Xogyaha Garsoorka Jubbaland oo ka hadlay horumar ay sameeyeen hay’adaha Cadaalada.

1026

Garsoorka Jubbaland ayaa horumar wanaagsan ka sameeyey  xalinta khilaafadka arimaha is qab Qabsiga dhulalka,ka dib markii wasaarada Garsoorka,Cadaalada iyo arimaha diinta Jubbaland hirgalisay   maxkamad u gaar ah xalinta iyo go’aan ka gaadhida Kiisaska dhinaca dhulalka ee magaalada Kismaayo.

xoghayaha guud ee garsoorka Jubbaland Cabdullahi Cabdiqadir Aadan(Qanuuni )ayaa sheegay in xal rasmiya ay u tahay maxkamda cusub ee arimaha dhulka khilaafka ka taagna dhinaca isku qabsiga dhulka,waxaa kale oo uu sheegay in dowlad goboleedka Jubbaland mar hore hirgalisay hay’ada maaraynta dhulalka taasina ay ahayd talaabo kale oo keentay in dadka ay sharci u hellaan dhulka hoosna ay u dhigtay isqabsiga dhinaca dhulalka.

Cabdullaahi Cabdiqadir Aadan  Xog yahaya guud ee garsoorka jubbaland ayaa sidoo kale xusay waxyaabaha u qabsoomay sanadkii aan soo dhaafnay.

Ugu danbayntii Cabdullaahi Qaanuuni ayaa sheegay in sanadkaan bilowga ay u qorshaysan yihiin qorshayaal kala duwan si kor loogu qaado adeega dhinaca garsoorka Jubbaland.