
Dowladda Jubbaland ayaa bilowday diiwaangelinta ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan duleedka magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.
Diiwaangelintan ayaa lagu sameynayaa xog-ururin iyo kaydin rasmi ah oo lagu gelinayo Data Center-ka Dowladda Jubaland, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo xog dhammeystiran oo sax ah oo ku saabsan ciidamada ku sugan goobaha kala duwan.
Mas’uuliyiinta howlaha diiwaangelinta wada ayaa ciidamada ka ururinaya xogta muhiimka ah, taas oo qeyb ka noqonaysa nidaam casri ah oo lagu maareynayo xogta iyo diiwaanka ciidamada Jubaland.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Jubaland ee lagu casriyeynayo nidaamka maamulka, diiwaangelinta iyo keydinta xogta ciidamada, si loo helo xog rasmi ah oo la isku halleyn karo, isla markaana fududeysa maamulka iyo qorsheynta howlaha ciidanka.
Diiwaangelinta ayaa sidoo kale muhiim u ah in si wanaagsan loo ogaado tirada, goobaha iyo xogta ciidamada Jubaland ee ku sugan deegaanada kala duwan, iyadoo xogtaas lagu keydinayo nidaam rasmi ah oo dowladda u gaar ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







