Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Galmudug ka daah furay shirka wadatashiga horumarka amniga,

104
Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (𝐅𝐚𝐫𝐭𝐚𝐚𝐠) oo wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Dahir Ciid ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug ka daah furay shirka sanadlaha ah ee wadatashiga horumarka amniga, kaas oo ay ka qeyb galayaan Wasaaradadaha Amniga iyo Talisyada Booliiska dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Taliyaha Qeybta Booliska J/Hoose, Gaashaanle Sare Sadiiq maxamud dhogor ayaa qeyb ka ah shirkan oo lagu soo bandhigayo, isla markaana looga wadatashanayo arrimaha hortebinta u leh horumarka amniga, xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida dalka.