Maxay tahay sababta loo qisaasi wayay ragii loo xukumay Caa’isho Ilyaas?

1071

Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland, Nuur Ciise Maxamed oo u waramay warbaahinta Puntland, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keenta in aan weli la fulin xukunkii lagu riday Seddax nin oo lagu helay kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Guddoomiye ku xigeenka maxkamada sare ee Puntland, Nuur Ciise Maxamed, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in kiiskaas fulintiisa uu u xayiran yahay qoyska Caa’isha Ilyaas oo uu sheegay in laga sugayo inay maxkamada u soo gudbiyaan in loosoo qisaaso raggaasi.

Seddaxda xukunsane oo kala ah, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay inay ka dambeeyeen kufsi iyo dil bishii February ee sanadkii 2019-kii waqooyiga magaalada Gaalkacyo loogu geystay marxuum Caa’isha Ilyaas Aadan

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan sheegay in fulinta kiiska Caai’sha laga sugayo hay’addaha garsoorka Puntland, kadib markii warbaahintu ay su’aalo ka weydiisay arrintaas.