Wasiirka Caafimaadka XFS oo Gaadiidka gurmadka Caafimaadka ku wareejiyey Jubbaland

62

-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa  labo Gaari oo nooca gargaarka deg degga ah isla markaana loogu talagaley fududeynta adeegyada Caafimaadka ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleed Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka dowlad goboleedka Jubaland, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleed Jubaland Eng Ismaaciil Axmed
Garras ayaa ka mahadceliyey gaadiidka lagu wareejiyey waxa uuna tilmaamey in loogu adeegi doona bulshada dowlad goboleed Jubaland si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada iyo guud ahaan yoolka Qaranka ee Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.