
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa magaalada Kismaayo ka daahfuray tababar ku saabsan Xirmada Isku-dhafan ee Adeegyada Tallaalka, kaas oo loo qabanayo shaqaalaha caafimaadka ee ka kala socda xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose.
Munaasabadda daahfurka tababarka waxaa goob-joog ka ahaa Madaxa Keydka Tallaalka Qaranka ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Yuusuf Samaan Mokhtar.
Madaxa Barnaamijka Tallaalka ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Dr. Cabdulnaasir Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose, Cabdirisaaq Saciid Jaamuus; Isuduwaha Caafimaadka Degmada Jamaame, Jaamac Axmed Abuukar; iyo Madaxa Tababarrada iyo Cilmi-baarista ee Jaamacadda Jazeera, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Ibraahim.
Tababarkan, oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland iyo Jaamacadda Jazeera, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka ee ku aaddan qorsheynta, maareynta iyo bixinta adeegyada tallaalka, kor u qaadidda tayada adeegyada, iyo sidii adeegyada tallaalka si joogto ah oo tayo leh loogu gaarsiin lahaa bulshada ku nool degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose.
Sidoo kale, tababarku wuxuu gacan ka geysanayaa xoojinta awoodda shaqaalaha caafimaadka, hagaajinta maamulka iyo kaydinta tallaallada, ilaalinta silsiladda qabow, kor u qaadidda tayada xogta tallaalka, iyo sidii loo yareyn lahaa carruurta aan helin ama ka baaqata tallaallada muhiimka ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







