Qaar Ka Mid Ah Culimada Puntland Oo Ka Hortimid Xeer Horyaalla Baarlamaanka

122

Culimada Maamulka Puntland ayaa si weyn uga hor yimid xeer horyaalla Baarlamaanka Dowlad Goboleedkaasi, kaasi oo ay horay u meel mariyeen Golaha Wasiirada.

Xeerka ayaa waxaa uu yahay mid haatan Horyaalla Baarlamaanka, waxaana si weyn uga horyimid qaar ka mid ah Culimada Puntland ay sheegeen in uu yahay Xeerku, mid dano gaar ah laga leeyahay oo uusan ahayn mid ku yimid rabitaan bulsho.

Xeerka oo ah mid ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland ayaa mamnuucaya gudniinka gabdhaha nooc walba, waxaana Culimadu ay sheegen in uu yahay mid qilaafsan Dastuurka Maamulkaasi, iyagoo ka hor imanaya qodobka 9-aad ee dastuurka Puntland.
Tan iyo markii Golaha wasiirada ay mel mariyeen Xeerkaasi ayaa waxaa soo baxayay doodo aad u kulul oo dhashay xeerka, waxaana Warbaahinta hadallo isku weydaarsaday Culimada diidan xeerka iyo qaar ka mid ah wasiirada Puntland.

Wasiirka Caddaaladda Puntland Cawil Sh.Xaamud oo u jawaabay culimo ka hortimid joojinta Gudniinka Gabdhaha ayaa yiri”Nimanka hadlay maaha rag aan ku tuhmayo aqoon diimeed, annaga iyo culimo badan arrinkan hore baan u baarnay, waana ka hadlaynaa dhawaan, Gudniinka Gabdhaha waa la joojiyey guud ahaantiisa, ciddii shaki ka qabto annagaa u hayno jawaabo diini ah iyo addilo cadcad oo oggolaanaya in la joonin karo, dhibta iyo jarjarista gabdheheenna maaha wax la eegan karo”.

Waxaana hadda taagan dood iyo hadal hayn gaar ah oo ka dhalatay Xeerka, iyadoo Culimadii ay yihiin kuwo ku kala qaybsamay arrinka, oo qaybna ay taageertay xeerka, halka qayb kalena ay ka hortimid.