
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Oogle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha Arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Jubbada hoose, Guddoomiyaha Degmada Jamaame, iyo Guddoomiyeyaasha tuulooyinka hoos yimaada degmada Jamaame.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in si dhow looga dhageysto baahiyaha mudnaanta u leh bulshada ku nool deegaannada hoos yimaada degmada Jamaame, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku xirka ka dhexeeya bulshada deegaanka iyo hay’adaha dowladda.
Intii uu kulanku socday, Guddoomiyeyaasha tuulooyinka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay caqabadaha iyo baahiyaha ugu waaweyn ee ka jira deegaannadooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin adeegyada aasaasiga ah, amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Degmada Jamaame, Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Gobolka Jubbada Hoose, iyo Guddoomiyeyaasha tuulooyinka sida ay u soo gudbiyeen baahiyaha iyo caqabadaha jira, isaga oo xusay in Wasaaraddu ay ka shaqeyn doonto sidii mudnaanta loo siin lahaa wax ka qabashadooda, iyadoo la kaashanayo hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta horumarinta.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland ay ku xoojinayso maamulka deegaanka, kor u qaadista ka qeybgalka bulshada, iyo horumarinta adeegyada dowladnimada ee deegaannada Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







