Wasaaradda beeraha iyo waraabka dowladda Jubbaland oo si guul leh u soo gabagabeysay tijaabadii saddexaad ee abuurka bariiska

0
65
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland ayaa ku guuleysatay inay si guul leh u soo gabagabeyso tijaabadii saddexaad ee lagu qiimeynayay tayada iyo la-qabsiga abuurka bariiska ee deegaannada Jubbaland.
Natiijooyinka tijaabada ayaa muujiyay in Jubbaland ay leedahay awood iyo fursado ballaaran oo lagu kordhin karo wax-soo-saarka bariiska iyadoo la adeegsanayo hababka casriga ah ee beerashada.
Wasaaraddu waxay xoojisay inay sii wadi doonto taageeridda beeraleyda, hirgelinta tijaabooyinka cilmiyeed, iyo faafinta farsamooyinka casriga ah si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha, loo yareeyo ku-tiirsanaanta cuntada dibadda laga keeno, loona adkeeyo sugnaanta cuntada.