Wasaaradda Beeraha Jubbaland oo manta daahfurtay mashruuc cusub oo ku saabsan sida guryaha loogu beerto khudaarta.

83

Wasaaradda Beeraha iyo waraab-ka Jubbaland ayaa manta daah-furtay mashriic laga fulinaayo gudaha magaalada Kismaayo iyo Goobweyn kaas oo loogu talla-galay in qaar ka mida ardayda Iskuulada ee Kismaayo iyo Goobweyn loo tababaro sida loo beero dalagyada beeraha iyo in Iskuulada Gudahooda lagu sameeyo beero yar yar oo ardayda ay ku bartaan tabaca beeraha, taas oo looga gol-leeyahay sidii dadka loogu dhiiri-galin-lahaa beeraha iyo sare u qaadida wax soo saarka
Munaasabada ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland Geele Maxamed Adan iyo Wasiir-kuxigeenka wasaaradda beeraha Ugaas Cali Sonkor,Gudoomiyaha Gobolka Jubadda Hoose ,Gudoomiye kuxigeenka maamulka iyomaaliyada ee degmada Kismaayo iyo Xildhibaan Cali Cabdiwaxaad(Cali Xoog).
Gudoomiye-kuxigeenka degmada Kismaayo ee dhinaca maamulka iyo maaliyada Cabdirashiid Cabdi Ibraahim ayaa ugu horayn ka hadlay munaasabada.
“Waxaan u mahadcelinya hay’adda GIZ oo wax-badan dhinaca beeraha waxbadan ka qabatay “ sidaa waxa yidhi Gudoomiye kuxigeenka egmada Kismaayo.
Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Goni ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay in laga faa’iidaysto khayraadka dabiicaga ee allaah uu ina siiyey balse dadkeena Soomaaliyeed aysan fahansanay sidii looga faa’iidaysan-lahaa.
“Beeraha naguma cusba lakiin waxaa nagu cusub dalaga lagu beeraayo guryaha,cilmigana waa la kala qaata”
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraab-ka Jubbaland Geele Maxamed Adan oo soo xidhay munaasabada lagu daahfuray mashruuca ayaa ka hadlay ahmiyada mashruucan uu u leeyahay beeralayada.
“Mashruucaan waxa isugu jiraa dhowr mashruuc midka kowaad waxa uu ku saabsan yahay in ardayda Iskuulada ay beero ka sameeyaan oo lagu tababaro sida beeraha loo tabco halka mashruuca kale-na uu yahay,Beer guri ama Green House”