Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, oo kulan la qaatay shaqaalaha Isbitaalka Degmada Afmadow.

0
99
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa maanta kulan la qaatay shaqaalaha Isbitaalka Degmada Afmadow.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Maxamed cabdiqaadir, Iskuduwaha Caafimaadka Degmada Afmadow, Iskuduwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo, iyo qaar ka mid ah saraakiisha iyo shaqaalaha Isbitaalka Degmada Afmadow.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-xogwareysi ku saabsan xaaladda guud ee isbitaalka, adeegyada caafimaad ee uu bulshada u hayo, caqabadaha jira, iyo sidii loo xoojin lahaa tayada adeegyada caafimaadka.
Wasiirka ayaa ku bogaadiyey shaqaalaha dadaalka ay ugu jiraan u adeegidda bulshada, isagoo ku boorriyey inay sii laba jibbaaraan shaqadooda si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh, isla markaana gaara dhammaan bulshada degmada Afmadow.