Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland oo xukun ku ridday eedeysaneyaal lagu helay khayaano lacageed iyo turfo ay u geysteen muwaadin Soomaaliyeed

0
144
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa xukun ka soo saartay dacwad la xiriirta khayaano lacageed iyo turfo loo geystay dhibane Cabdi Khaliif Axmed.
Kiiskan waxaa loo haystay saddex eedeysane oo kala ah Mustafe Axmed Cali (Waaraad), oo ah maskaxdii falkan turafada ah, Cabdullaahi Cali Shiimoy, iyo C/Casiis Maxamed Aadan oo maqane ah, ayna ku raad-joogaan laamaha amniga iyo caddaaladda.
Maxkamaddu waxay Mustafe Axmed Cali (Waaraad) ku xukuntay inuu bixiyo $23,644, Cabdullaahi Cali Shiimoyna lagu xukumay inuu bixiyo $4,000, halka C/Casiis Maxamed Aadan oo maqane ah lagu xukumay inuu bixiyo $6,383.5, iyadoo laamaha amniga iyo caddaaladdu ay weli baadi-goobayaan, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda