Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Qaabilay Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Rayidka

0
141
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland Mudane Abdiwaxid Maxamed Dhaqane ayaa Xafiiska Wasaaradda ku qaabilay masuuliyiin ka socotay Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid Wasaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray habsami u socodka shaqada shaqaalaha rayidka ee ka howlgala Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland.
Agaasimaha Guud ayaa masuuliyiinta uga warbixiyay nidaamka shaqada, iyo Shaqada baaxadda leh ay hayaan Shaqaalaha Rayidka ee ka hawagalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland.
Masuuliyiinta ka socotay Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland ayaa dhankooda uga mahadceliyay Agaasimaha Guud iyo dhammaan hawl-wadeennada Wasaaradda soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen.
Waxay sidoo kale bogaadiyeen shaqaalaha rayidka ee Wasaaradda, iyagoo xusay inay door muuqda ka qaataan u adeegidda bulshada iyo horumarinta adeegyada dowladda Jubbaland.