Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jubbaland oo bilowday qorshaha hirgelinta xarunta casriga ah ee caafimaadka xoolaha ee Kismaayo

0
133
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlada Jubbaland, iyadoo kaashanaysa Bangiga Adduunka (World Bank), ayaa qabatay tababar lagu falanqeeyay hirgelinta Xarunta Caafimaadka Xoolaha (Veterinary clinic Center) oo laga dhisayo magaalada Kismaayo.
Tababarka oo ay so qaban qabisay Wasaaradda ayaa loo qabatay daneeyaysha Arrimaha Xoolaha . Ujeeddada tababarka ayaa ahayd in la xoojiyo qorshaha iyo habraacyada lagu hirgelinayo xarunta cusub ee caafimaadka xoolaha.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jubbaland, Mudane Maxamed Nuur Cali Cabdinuur (Nuuraani).
Wasiirku wuxuu hadal kooban oo uu jeediyay ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ka qaybgalayaashu si wanaagsan uga faa’iidaystaan tababarka, si ay door muuqda uga qaataan hirgelinta mashruuca.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu tilmaamay doorka weyn ee ay xooluhu ku leeyihiin dhaqaalaha iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada Jubbaland oo ay ku nool yihiin xoolo tiro badan, isagoo xusay in horumarinta adeegyada caafimaadka xooluhu ay wax weyn ka tari doonto kobcinta wax-soo-saarka xoolaha iyo ilaalinta caafimaadkooda.
Xarunta Veterinary clinic Center ee laga hirgelinayo magaalada Kismaayo ayaa la filayaa inay dabooli doonto baahi muddo dheer ka jirtay gobolka, isla markaana ay adeegyo caafimaad oo tayo leh u fidin doonto xoolo-dhaqatada ku nool Kismaayo iyo deegaannada ku xeeran.
Hirgelinta xaruntan waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka xoolaha iyo horumarinta dhaqaalaha ku tiirsan xoolaha ee Jubbaland.