Madaxweynaha Jubbaland oo daahfuray mashruuca bulsho ee xoojinta dowladaha hoose iyo ka-qaybgalka bulshada

0
120
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa daahfuray Mashruuca Bulsho, oo ah hindise horumarineed oo lagu xoojinayo dowladaha hoose, korna loogu qaadayo ka-qaybgalka bulshada, isla markaana lagu dhisayo iskaashi waara oo u dhexeeya dowladda iyo shacabka si loo horumariyo adeegyada aasaasiga ah iyo horumarka deegaanka.
Mashruuca Bulsho wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa awoodsiinta bulshada iyo hay’adaha dowladaha hoose ee heer degmo, tuulo iyo xaafad.
Ujeeddadiisa ugu weyn waa xoojinta wadajirka bulshada, kor u qaadista ka-qaybgal loo dhan yahay, iyo dhisidda adkaysiga bulshada, iyadoo la xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa shacabka iyo maamullada deegaanka.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa tilmaamay in mashruucu ku soo beegmay xilli ay jirto baahi weyn oo loo qabo xoojinta adkaysiga bulshada iyo horumarinta adeegyada heer deegaan. Waxa uu xusay in Mashruuca Bulsho uu yahay fursad muhiim ah oo lagu horumarinayo degmooyinka, laguna kordhinayo ka-qaybgalka bulshada ee go’aan-qaadashada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey Baanka Adduunka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Jubaland, kuwaas oo door muuqda ka qaatay maalgelinta, qorsheynta iyo hirgelinta mashruucan.
Waxa uu Madaxweynahu bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowladnimada, adeegyada bulshada iyo awoodda dowladaha hoose, isaga oo carrabka ku adkeeyey in taageerada bahwadaagta ay muhiim u tahay xaqiijinta horumar waara iyo kobcinta hay’adaha dowladda ee heer deegaan.