
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa xukun ku ridday afar eedeysane oo loo haystay burcadnimo, dhaca taleefoonnada gacanta iyo dhaawacyo ay u geysteen dad rayid ah.
Kadib markii ay Maxkamaddu dhageysatay eedaha ay soo bandhigtay Xeer Ilaalinta iyo warbixinta baaraha kiiska, waxay ku xukuntay Fuaad Aadan Daud, Muxidiin Cabdullaahi Cali iyo Cabdiqani Maxamuud Bile min saddex sano oo xabsi ah.
Sidoo kale, Muxidiin Cabdullaahi Cali waxaa si gaar ah loogu xukumay inuu bixiyo magta jaraaxada ah ee uu u geystay Maxamad C/naasir Cabdullaahi.
Dhanka kale, Fadumo Cabdullaahi Cali, oo ka tirsaneyd Ciidanka Booliska ee Dowladda Jubbaland, ayaa lagu xukumay inay bixiso ganaax lacageed oo dhan $500, kadib markii lagu helay eedeynta ah inay gabaad siinaysay burcadda, waxaana la sii deyn doonaa marka ay bixiso lacagta ganaaxa

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







