
Hoggaanka Qorshaynta iyo Tababarada ee Ciidanka Booliska Jubaland, Dhamme Shukri Faarax Ducaale, oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, ayaa soo xiray tababar ku saabsan Booliska Bulshada (Community Policing) oo muddo ka socday deegaanka Raas Kaambooni oo hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.
Intii uu socday tababarka, waxaa lagu xoojiyay fahamka Booliska Bulshada, wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga, iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka iyo kalsoonida ka dhexeysa bulshada iyo laamaha amniga.
Q
Q
![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






