Taliyaha Saldhigga Boliiska Dhoobley oo Tababar u Soo Xiray Cutub Ka Tirsan Ciidamada Booliska Jubbaland

0
118
Taliyaha Saldhigga Degmada Dhoobley, Cabdiqaadir Xasan Cabdi, ayaa galabta tababar u soo xiray cutub ka tirsan Ciidamada Booliska Degmada Dhoobley, kaas oo socday muddo bilooyin ah.
Tababarkan ayaa ahaa mid kor loogu qaadayay aqoonta iyo xirfadaha askariga booliska ah.
Ciidamadu waxay sidoo kale qaateen casharro ku saabsan nidaamka, la dhaqanka bulshada, iyo sidii ay boolisku ugu shaqeyn lahaayeen shacabka.
Taliyaha ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay ciidanka dulqaadka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday.
Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay macallimiintii tababarka siinaysay cutubkan cusub ee kamid noqon doona Ciidamada Booliska Degmada Dhoobley.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa sheegay in Booliska Jubbaland ay yihiin ciidan u taagan u adeegidda bulshada iyo sugidda amniga Dowladda Jubbaland.