
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowlada Jubbaland, oo ay wehlinaayeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Jubbaland, ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay xarunta caafimaadka cusub ee deegaanka Janaa Cabdalla.
Xaruntan caafimaad ayaa lagu wadaa in si weyn ay uga jawaabto baahiyaha caafimaad ee muddada dheer haystay bulshada deegaanka Janaa Cabdalla iyo tuulooyinka ku hareeraysan. Bulshada deegaanka ayaa muddo dheer sugayey helitaanka adeeg caafimaad oo rasmi ah, iyadoo xaruntani ay noqon doonto mid wax ka beddesha xaaladda caafimaad ee deegaanka.
Hirgelinta xaruntan waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland iyo Wasaaradda Arimaha-gudaha taasoo muujinaysa iskaashi buuxa oo ujeedkiisu yahay horumarinta adeegyada bulshada.
Intii ay ku sugnaayeen deegaanka, masuuliyiintu waxay sidoo kale kormeereen dhismayaal horumarineed oo ay ka mid yihiin masaajid cusub, xarun waxbarasho oo dhismeheedu marayo gabagabo, iyo xarunta caafimaad ee ku-meelgaarka ah ee hadda adeegyada bixisa.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







