Wasaaradaha Caafimaadka iyo Arrimaha Gudaha Jubaland oo iska kaashaday tababar ku saabsan diiwaangelinta dhalashada

0
131

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland ayaa qabatay tababar ku saabsan diiwaangelinta dhalashada carruurta ee xarumaha caafimaadka Jubaland, kaas oo ay bixinaysay Waaxda Diiwaangelinta Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Dowladda Jubaland.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Kismaayo Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Xoghayaha Dowladda Hoose Mudane Daahir Xuseen Cabdi, Isku-duwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo Maxamed Sheekh Aadan, madaxda Waaxda Diiwaangelinta Bulshada, iyo qaar ka mid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda diiwaangelinta dhalashada carruurta si loo helo xog sax ah oo gacan ka geysata helitaanka adeegyada bulshada, aqoonsiga muwaadiniinta, iyo qorsheynta adeegyada dowladda.

Sidoo kale, shaqaalaha xarumaha caafimaadka ayaa la guddoonsiiyay agabka lagu diiwaangelinayo xogta dhalashada, waxaana la baray habraacyada saxda ah ee loo uruuriyo, loo diiwaangeliyo, loona xareeyo xogta dhalashada.