Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Jubaland oo Luuq ku Qabatay Ciyaar Soo Dhaweyn ah oo Lagu Maamuusay Wafdigii Madaxweyne Ku-xigeenka

0
158

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland ayaa maanta ciyaar munaasabadeed ku qabatay degmada Luuq ee gobolka Gedo, taas oo lagu soo dhaweynayay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Munaasabadda ciyaareedkan waxaa ka qeyb galay xildhibaanno, wasiirro, maamulka gobolka Gedo, maamulka degmada Luuq, saraakiil kala duwan, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ciyaartan ayaa ahayd mid muujisay midnimada, wadajirka iyo doorka muhiimka ah ee ciyaaruhu ku leeyihiin isku xirka bulshada iyo dhiirrigelinta dhalinyarada.

Waxaa goobta ka hadlay maamulka degmada Luuq iyo wakiillo ka socday Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubaland, kuwaas oo u mahadceliyay dhammaan masuuliyiintii, martidii iyo shacabka ka qeyb qaatay qabsoomidda munaasabaddan qiimaha badan.

Ugu dambeyn, labada kooxood ee ciyaarta soo dhaweynta ku tartamayey ayaa waxaa guusha ku raacday mid ka mid ah kooxaha ciyaaray.

Sidoo kale, waxaa halkaas lagu guddoonsiiyay koobkii ay ku tartamayeen labada kooxood, kaas oo uu guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Gedo.