Ardayda dugsiga sare oo maanta u fariistay Imtixaanka Ay Dowlada dhexe qaadeyso

962

Waxaa Maanta oo sabti ah Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka lagu wadaa inuu si rasmi ah uga bilowdo Imtixaanka shahaadiga Dugsiga sare oo qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta.

Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda ayaa shaacisay in 42, 000 (Afartan & laba Kun) oo Arday ay Maanta u fariisanayaan imtixaanka, kaas oo ka bilaabanaya Muqdisho iyo Gobolada dalka..

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare, waxaana halkaas ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee furitaanka Imtixaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa siweyn u sugaya goobaha Arday ay ku galayaan Imtixaanka shahaadiga, waxaana gaadiidka noocyadiisa kala duwan loo diidayaa inay hormaraan goobahaas.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa sanad kasta qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, iyada oo loo diyaariyay qaab waafaqsan nidaamka waxbarashada dalka.