Wasaaradda Arimaha gudaha Jubbaland oo qabatay Shir looga hadlaayey waxbarashada madaniga ah

774

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ka qabsoomay shir looga hadlayay samaynta qorshe howleedka waxbarashadda madaniga ah ee kusaabsan xuquuqaadka mudwaadinka soomaliga ah uu leeyahay,sida in uu helo waxbarasho, caafimaad iyo adeegyadda aas-aasiga u ah Nolosha, iyadoona uu socodoona kulankaani muddo labo cisho ah, waxaana kaqayb galaya Xubno ka socda wasaaraddaha Jubbaland iyo Bulshadda rayidka ah.
Madasha ayaa waxaa daah furay wasiir kuxigeenka wasaaradda Arimmaha Gudaha Jubbaland Cali Carays Xasan.
Agaasimaha wasaaradda Arimmaha Gudaha Jubbaland Adan Faarax Gaarane oo ugu horeyn ka hadlay madasha samaynta qorshe Howleedka waxbarashadda Madaniga ah ayaa sheegay qorsha ugu muhiimsan ee Kulanka uu yahay sidii wasaaraddaha iyo Bulshada rayid ah ay uga qayb qaadan lahaayeen Dajinta qorshe Howleed Waxbarashadda Madaniga ah.
“waxaan idinkugu wacnay in aad nagala qayb qaadataan sidii aan ku diyaarin lahayn Qorshe howleedka waxbarshadda Madaniga ah, kaalintiina waa lama Huraan” sidaas waxaa yiri Agaasimaha wasaaradda Arimmaha Gudaha Jubbaland Adan Faarax Gaarane.
Cali Carays Xassan wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland ayaa faray ka soo qayb galayaasha in ay aragtiyo ku biiriyaan qorshaha ay wasaaradda waddo.
“Kulankaan waa muhiim waxaad matalaysaan wasaaraddo iyo Bulshadda rayid ah waxaa la,idnka rabaa in aad soo bandhigtaan Afkaarihiina” sidaas waxaa yiri Cali Carays Xasan wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland