
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH) iyo hay’adda AFENET.
Wafdiga ayaa magaalada u yimid qiimeyn ku saabsan tababarradii hore ee la siiyay shaqaalaha caafimaadka, kuwaas oo ahaa tababarka FETP, laguna horumarinayay aqoonta iyo tayada adeegyada caafimaadka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Jubaland iyo hay’adaha ka shaqeeya horumarinta caafimaadka bulshada.



![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







