
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland ayaa soo xiray tababar ku saabsan horumarinta adeegyada caafimaadka taranka iyo qorsheynta qoyska.
Tababarkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa loo qabtay ragga, si kor loogu qaado wacyigooda ku aaddan muhiimadda caafimaadka taranka, dhalmada lagu sameeyo xarumaha caafimaadka, iyo in hooyooyinka ay ku umulaan umulisooyin xirfad leh, si loo helo hooyooyin iyo dhallaanno caafimaad qaba. Sidoo kale, tababarka waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda qorsheynta qoyska.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa goob joog ka ahaa Madaxa Caafimaadka taranka, hooyada iyo dhallaanka, Marwo Najmo Cabdikaadir, iyo wadaxa wacyigelinta ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Isaaq Bashiir.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ay ku xoojineyso adeegyada caafimaadka iyo wacyigelinta bulshada, si loo gaaro bulsho caafimaad qabta oo leh faham wanaagsan oo ku saabsan caafimaadka taranka iyo qorsheynta qoyska.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







