
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo xirtay kulanka ansixinta Siyaasadda Dhalinyarada Jubbaland, kaasoo socday muddo labo maalmood ah.
Kulankan muhiimka ah waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland, qaar kamid ah Golaha Wasiirrada, xildhibaanno, odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka, ururka haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Qaar kamid ah masuuliyiinta ka socday ururrada bulshada rayidka iyo maamulka degma ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo, waxbarasho iyo ka qeybgal siyaasadeed si ay door muuqda uga qaataan horumarka bulshada.
Guddoomiyaha Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Jubbaland, Siyaad, ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii dhalinyarada loogu sameyn lahaa barnaamijyo shaqo-abuur iyo horumarineed oo kor loogu qaadayo awooddooda.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland, Cadar Ismaaciil Jurti, ayaa sheegtay in siyaasaddan cusub ay wax badan ka tari doonto horumarinta dhalinyarada iyo ilaalinta xuquuqdooda.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Cabdowali Xuseen Jaamac, ayaa tilmaamay in dhalinyarada ay laf-dhabar u yihiin dowladnimada, islamarkaana loo baahan yahay in lagu taageero aqoon iyo wacyigelin.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubbaland, Faadumo Cali Cabdi Kariin, ayaa uga mahadcelisay dhammaan kasoo qeybgalayaasha dadaalka ay geliyeen ansixinta siyaasaddan, iyadoo xustay inay muhiim u tahay horumarinta mustaqbalka dhalinyarada Jubbaland.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Dowladda Jubbaland, Hiiraad Ismaaciil, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulanka, isagoo ku bogaadiyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay diyaarinta iyo ansixinta Siyaasadda Dhalinyarada Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







