
Waxaa la dhamaystiray dhismaha cusub ee Xarunta Idaacadda Radio Kismaayo, kaas oo noqonaya xarun casri ah oo ay idaacaddu ku shaqeyn doonto.
Dhismahan waxaa hirgelisay IOM iyadoo taageero ka heshay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Denmark.
Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland ayaa door weyn ka qaadatay hirgelinta xaruntan cusub, iyadoo xooga saartay sidii Radio Kismaayo u heli lahayd xarun ku habboon shaqada warbaahinta iyo adeegyada bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







