Wasiirka Qorsheynta Jubbaland oo Finland ka wada kulamo lagu xoojinayo maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah

0
177
Wasiirka wasaaradda Qorshenta Malgashiga iyo iskaashiga Caamaliga ee Dowlada Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed oo safar shaqo ku joogo Dalka Finland ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Finnpartnership, oo ah xafiiska ganacsiga iyo horumarinta maalgashiga ee hoos tagta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya Dowlada Jubaland iyo Finnpartnership, waxayna si cad usoo bandhignay fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira guud ahaan deeganada Dowlada Jubaland.
Cabdiraxmaan Cabdi Axmed Wasiirka wasaaradda Qorshenta Malgashiga iyo iskaashiga Caamaliga ee Dowlada Jubbaland ayaa Dalka Finland kulamo miro dhal ah kula yeelanaaye Masuliyiin ka tirsan Finland iyo Hay’ADO Caalami ah isago u bandhigaaye fursadaha maalgashi ee ka jira guud ahaan deeganada Dowlada Jubaland.