0
187
Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael ayaa maanta kulan muhiim ah la yeelatay, Dr. Rukaya Mohammed, Madaxa UN Women ee Soomaaliya.
Kulankan waxaa Gobjooga ahaa Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland Marwo Miski iyo Qeybo kamid ah shaqalaha wasarada.
Kulanka waxaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga Wasaaradda iyo UN Women, lana xoojiyo wada-shaqeynta kormeerka iyo qiimeynta (M&E), isla markaana Wasaaradda Haweenka iyo UN Women ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ururinta iyo la-falgalka xogaha ku saabsan haweenka, si loo hubiyo oo loo cabbiro horumarka dumarka Soomaaliyeed.