
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland ayaa qabatay kulan wacyigelin ah oo ku saabsan cudurka duumada (Malaria), kaas oo loo qabtay qaar kamid ah gudoomiyaasha xaafadaha kaamamka iyo qaar kamid ah shaqaalaha ka howlgala xarumaha caafimaadka ee degmada kismayo.
Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxa Wacyigelinta Wasaaradda Caafimaadka, ahna Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada, Mudane Isaaq Bashiir, Madaxa Duumada ee Wasaaradda, Mudane cabdikhadar, iyo Isku-duwaha Caafimaadka Gobolka Jubada Hoose, Mudane Cabdirisaaq Jaamuus.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd in la xoojiyo aqoonta hoggaanka xaafadaha iyo shaqaalaha xarumaha caafimaadka, si ay bulshada u soo booqata xarumaha caafimaadka ugu gudbiyaan wacyigelin ku filan oo ku saabsan ka hortagga, astaamaha, iyo daaweynta cudurka duumada.
Tani waxay gacan ka geysan doontaa yareynta faafitaanka cudurka iyo kor u qaadidda caafimaadka guud ee bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







