Booliska Dowladda Jubbaland oo xoojiyay la dagaalanka kooxaha sameeya ugaadhsiga sharci darada ah.

0
200
Ciidanka Booliska Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maalmahan dambe waday hawlgallo ballaaran oo lagu la-dagaallamayo ka ganacsiga sharci-darrada ah ee ugaadha duurjoogta ah iyo falalka kale ee wax u dhimaya deegaanka.
Hawlgalladaan oo lagu guuleystay in lagu soo qabto tiro badan oo ugaadh ah oo si sharci-darro ah loo laayay, kuwaas oo la doonayay in la soo geliyo magaalada Dhobley.
Ugaadha la qabtay ayaa lagu soo raray gaari ay wateen dad ku hawlan falal sharci-darro ah, sida laynta ugaadha duurjoogta ah iyo xaalufinta dhirta. Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaarigii lagu waday ugaadha la laayay.
Howlgalkaan ay Ciidanka boolisku ka wadaan Degmada Dhoobley ayaa ujeedkoodu yahay in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku lug leh falal ka baxsan sharciga, isla markaana waxyeello u geysanaya deegaanka iyo badbaadada bulshada.
Ciidanka Booliska Magaalada Dhoobley ayaa fagaaraha ku gubay hilibka ugaadha si sharci-darro ah loo laayay, si ay cashar iyo digniin ugu noqoto dadka caadeystay laynta ugaadha.
Taliyaha Booliska Degmada Dhobley, Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Xasan Cabdi, oo si adag uga hadlay arrimaha dabargooynta duurjoogta ayaa sheegay in sharciga si buuxda loo waafajin doono dhammaan dadka lagu soo qabto falalka la xiriira laynta ugaadha. Waxa uu sidoo kale digniin culus u diray dadka ku hawlan ka ganacsiga sharci-darrada ah ee ugaadha.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Degmada Dhobley, Xasan Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in aan marnaba la oggolaan doonin wax kasta oo wax u dhimaya deegaanka, isla markaana cid kasta oo ku lug yeelata arrimahaas lala tiigsan doono sharciga.
Ugu dambeyn, guud ahaan deegaanada Jubbaland waxaa si rasmi ah uga mamnuuc ah laynta ugaadha duurjoogta ah, waxaana si joogto ah Degmada Dhoobley uga socda hawlgallo lagu baacsanayo dadka ku hawlan ka ganacsiga sharci-darrada ah ee ugaadha.