Munaasabad Lagu Bogaadiyay Horumarka iyo Hoggaaminta Duqa Magaalada Afmadow oo lagu qabtay Afmadow

0
203
Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu taageerayay mashaariicda horumarineed iyo waxqabadka Duqa Magaalada Afmadow, Cabdiraxmaan Macallin Cali (Xaaji Maaji), ayaa lagu qabtay hoolka shirarka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Xafladda waxaa ka soo qayb galay maamulka degmada, agaasimaha maaliyadda, ururrada haweenka, dhallinyarada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intii ay munaasabadda socotay, waxaa sidoo kale bilad sharaf la guddoonsiiyay Guddoomiyaha Degmada Afmadow, taasoo uu ku mutaystay howlaha horumarineed ee uu ka hirgeliyay deegaanka.
Dadkii ka soo qayb galay munaasabadda ayaa si weyn u ammaanay Duqa Magaalada Afmadow, Cabdiraxmaan Macallin Cali (Xaaji Maaji), iyagoo ku bogaadiyay waxqabadkiisa muuqda iyo qorshayaashiisa istiraatiijiyadeed ee ku wajahan horumarka degmada.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Afmadow ayaa uga mahadceliyay bulshada reer Afmadow garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin.