Booliiska degmada Dhoobley oo gacanta ku dhigay rag si sharci daro ah ugaadha ulaynaysay

0
218
Booliska Degmada Dhobley Ayaa gacanta ku Soodhigay ugaadh si sharci daro ah lagu soo dilay islamarkaasina ciidanku ay soo qabteen dadka sida sharci darada ah u laayay ugaadhan oo ahayd Gari.
Hawlgalo lagu baacsanayo dadka ka ganacsado ugaadha oo ay sameeyen ciidamada booliska ayaa lagu soo qabtay hilibka gariga iyo dadkii watay oo si sharci daro ah uga ganacsanayeen.
Ciidamada booliska magalada Dhobley ayaa meel fagaaraha ku gubay Hilibka gariga si ay ugu quus-qaatan kuwa caadeystay laynta u gaadha.
Saraakiisha booliska Degmada Dhobley ayaa waxaa ay sheegen in sharciga la waafajin doono dadka lagu soo qabtay laynta u gaadha.
Ayagoona digniin u direen dadka ku hawlan kaganacsiga u gaadha
Deeganada jubaland ayaa waxaa ka mamnuuc ah laynta u gaadha Waxaana mar waliba Dhobley ka dhacaa hawlgalo lagu baacsanyo dadka ku hawlan kaganacsiga u gaadha.