
Ciidamo cusub oo ku biiraya Ciidamada Dowladda Jubbaland ayaa si rasmi ah loogu soo xiray tababar heer sare ah, kaddib munaasabad ka dhacday xerada tababarka ciidamada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.
Ciidamadan cusub ayaa la filayaa inay xoojiyaan amniga iyo difaaca deegaannada Jubbaland, gaar ahaan deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe, gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay saldhig ka dhigan doonaan, isla markaana door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda nabadgelyada iyo la dagaallanka kooxaha amni-darrada wada.
Tababarka ay qaateen ciidamadan, oo socday muddo dhowr bilood ah, ayaa ahaa mid adag oo dhammaystiran, waxaana lagu baray xeeladaha casriga ah ee ciidanka, anshaxa ciidanka, ilaalinta shacabka, iyo sida loola tacaalo xaaladaha amni ee kala duwan.
Tababarkan ayaa si gaar ah diiradda u saaray kor u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo u diyaar-garowga ciidanka ee hawlgallada amni ee lagu sugayo nabadda.
Mas’uuliyiinta Jubbaland ee ka hadlay munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa ku ammaanay ciidamadan dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen intii uu tababarku socday, iyagoo sheegay in ku biiristooda ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga guud ee Jubbaland.
Ugu dambayn, munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay farriimo dhiirrigelin ah oo loo diray ciidanka cusub, iyadoo loogu baaqay in ay si daacadnimo, anshax iyo wadaniyad leh ugu adeegaan dadkooda iyo dalkooda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







