
Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa xalay ka fuliyay Degmada Jamaame hawlgal qorshaysan oo lagu beegsanayay horjogayaal ka tirsan kooxaha nabad-diidka ee Khawaarijta.
Hawlgalkan, oo qeyb ka ah dadaallada xaqiijinta amniga gobolka, ayaa lagu qaarjiyay horjogihii ugu weynaa ee deegaankaasi si weyn looga yaqaanay, kaasoo lagu magacaabo Faarax Jibriil, iyo toddoba kale, kuwaas oo muddo dheer dhibaato iyo cadaadis ku hayay shacabka deegaanka.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaya ayaa xaqiijiyay in hawlgalka uu si guul ah ku dhammaaday, isla markaana uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo xasilloonida Jamaame, nawaaxigeeda iyo guud ahaan Dowladda Jubbaland.
Waxaa socda hawlgallo kale oo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka kaas lagu beegsanayo meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyaadka Khawaarijta.











