Wafdi heer sare ah oo ka socday Safaaradaha dalalka Swede Switzerland, iyo Hay’adda Save the Children, oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo,

0
223
Wafdi heer sare ah oo ka socday Safaaradaha dalalka Sweden iyo Switzerland, iyo Hay’adda Save the Children, ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, Wafdiga ayaa kormeer iyo qiimeyn ku tegay Isbitaalka Weyn ee magaalada Kismaayo,
Wafdiga waxaa isbitaalka ku soo dhoweeyay Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim, oo ay wehliyeen qaar ka mid ah agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka iyo madaxda sare ee Isbitaalka Guud ee Kismaayo.
Mas’uuliyiinta ayaa wafdiga la wadaagay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan howlaha ka socda isbitaalka, horumarrada la gaaray, caqabadaha jira, iyo baahiyaha mudnaanta leh.
Wafdigan ayaa kormeer iyo qiimeyn ku tagay Isbitaalka Guud ee Kismaayo, iyagoo u kuurgalayay xaaladda guud ee isbitaalka iyo heerka adeegyada caafimaad ee uu bixiyo, si loo helo sawir dhab ah oo ku saabsan baahiyaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada caafimaad.
Intii uu socday kormeerka, wafdigu waxay indha-indheeyeen qaybaha kala duwan ee isbitaalka, iyagoo si gaar ah u qiimeeyay tayada adeegyada caafimaad, helitaanka qalabka caafimaad, iyo habsami u socodka howlaha maalinlaha ah.
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd xoojinta iskaashiga iyo kordhinta taageerada ay hay’adaha bahwadaagta ahi siiyaan Isbitaalka Guud ee Kismaayo, si kor loogu qaado tayada iyo baaxadda adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshada ku nool magaalada Kismaayo iyo deegaannada ku xeeran.