
Cabaas Daahir Calasow, oo da’diisu tahay 20 sano jir, kana tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa galabta saacaddu markay ahayd 5:30 galabnimo (Saacadda Bariga Afrika) isku soo dhiibay Ciidamada Jubbaland Gar ahaan Guutada Boliceka Garka ah ee degan Bar-sunguuni.
Cabaas ayaa sheegay in uu ku biiray kooxda cadowga Khawaarijta sanadkii 2022, xilli uu ku sugnaa deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Is-soo-dhiibidda Cabaas ayaa timid kaddib markii maleeshiyaadka Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyey dagaallo ka dhacay deegaanka Kudhaa, taas oo niyad-jab iyo kala yaac ku keentay xubno badan oo ka tirsanaa kooxdaasi.
Cabaas ayaaa hada loosoqaday Xarunta CID Da Bolice Degmada Kismaayo Halkaas oo Uu Baritano kale kumarayo.
Ugu Dambayntii Maleshiyada ayaa Hal hal isku sodhibayaa Maanta waxa kale oo aad aan tabinay Mid kamid ah maleshiyada oo kala sogostay Qori BKM ah oo Isagana isku sodhibay Guutada Darawishta Birjeex.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







