
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Guddoomiye ku xigeenka hey’adda mudane, Axmed Cabdi Aadan, ayaa kulan la qaatay madaxa Hay’adda Cuntada Adduunka WFP, ee Soomaaliya Mr; Elkhadir Daloum.
Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka SoDMA, ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen sidii ay u yeelaan lahaayeen wada shaqeyn dhow howlaha gaargaarka ee loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







