Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Jubbaland ayaa daahfuray doorashooyinka golayaasha deegaanka.

0
173

Guddiga Madaxbannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Dowladda Jubbaland ayaa soo qabanqaabiyey xaflad ballaaran oo lagu daahfurayey Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee degmooyinka Jubbaland.

Xafladda daahfurka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Masuuliyiinta ugu sarreysa Guddiga Madaxbannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno, odayaal dhaqameed, iyo wakiillo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd in si rasmi ah loo bilaabo Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee degmooyinka Jubbaland, isla markaana bulshada lagu wargeliyo hannaanka doorashooyinka.