
Howlgal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay ayaa waxaa ciidammada Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee ku sugan degmada Dhoobley ka fuliyeen deegaanka Yara-Lafgare oo 70 km waqooyi barri ka xiga degmada Dhoobley.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta oo dhibaatooyin isugu jiray cabsi gelin, dhac iyo falal amni darro ah ku hayay shacabka ku nool deegaankaas.
Intii uu socday howlgalka, ciidammadu waxay ku guuleysteen inay dileen xubno ka tirsan maleeshiyaadkaasi, kuwaas oo ku howlanaa falal lid ku ah nabadgelyada iyo xasilloonida dadka deegaanka.
Sidoo kale, ciidammada ayaa gacanta ku dhigay agab ay maleeshiyaadku u adeegsan jireen falalkooda amni-darrada ah.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay ahayd sugidda amniga, badbaadinta shacabka, iyo ciribtirka kooxada Khawaarijta ee halista ku ah nololasha bulshada.
Waxay sidoo kale sheegeen in howlgallada noocan ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa dhammaan deegaannada Jubbaland lagana Ciribtiro maleeshiyaadka Khawaarijta

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







